Tafsiirka Suuradda Al-Qaarica

Haa waa run oo iyadu way necbayd inaan ku dhaho oo ugu yeedho ereyga qofyey/qoftaydiyey, balse anigu kama dayn jirin  oo markasta waan ku  dhihi jirey, aniga oo doonaya inaan arko cadhadeedi yarayd ee iska keen keenka ahayd, cadhadeedi jacaylka xambaarsanayd, cadhadeedi qurxoonayd ee  aanay marnaba  igaga fogaan jirin ee intay inyar iga yar aamusto i odhan jirtay Gacaliye ereygaas waan dhibsadee iga dhaaf, anna aan sida qabaw u odhan jirey“haye Kal-deeqaay gacalo”.

Wax aan muddu khadka ku caajisaba,wax aan fariinteeda qurxoon sugaba, wax aan gogoshaan ku jiifay camaan jurreeyo oo aan barkinta beerka gashtaba, ugu danbay Kal-deeqi waa timid, sidii caadada u ahaydna waxay isla markiiba igusoo qubtay fariimaheeddi kalgacaylka cuddoon xambaarsanaa,fariimaheeddii dabacsanaa ee dareenka badnaa, kuwii halka mar shaashadda qalbigayga iyo ta moobilkaygaba wada iftiimin jirey.

Qofta aan sidaas oo dhan isku tabayno ee iskugu boholyoobayno, wakhti xaadirkaas nagamuu dhaxayn wax xidhiidh daah-faydan ahi, waa run oo waan jeclaa iyada, si lamida amaba aan dhahee  si kasii mugwaynba iyadaa ii jeclayd, sidaasoo ay tahay midkaayana midka kale si cad ugumuu sheegan cudurka haya.


Comments

One response to “Tafsiirka Suuradda Al-Qaarica”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *